Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo sheegtay in shaqaalaha ay ka fasaxanyihiin howlahooda

1889

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Cismaan Libaax ayaa sheegay in maalinta shaqaalaha adduunka oo  ku asteysan maanta darteed ay fasax yihiin laba maalmood oo ka bilaabaneysa maanta.

Cismaan Libaax Ibraahin wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi ayaa tilmaamay in shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ahba ay fasax ka yihiin shaqadooda maalinta shaqaalaha adduunka awgeed oo ku asteysan maanta.

Qaban qaabada munaasabado  lagu weyneynayo maalinta shaqaale weynaha Soomaaliyeed ayaa ka socota gobollada dalka iyo caasimadda dalka ee Muqdisho

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here