Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah hay’adaha ka howlgala Jubbaland “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Faarax Macalim Bashiir ayaa  xarunta Wasaaradda kula kulmay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha ka howlgala Jubbaland.

Shirka  ayaa looga hadlayay dardargelinta wadashaqeynta Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha, iyo sidii la isaga kaashan lahaa wacyigelinta doorashooyinka, tababarrada howlwadeennada Warbaahinta iyo barnaamijyada wacyigelinta ee ku aadan dowlad wanaagga, federaaleynta, arrimaha bulshada iyo wax soo saarka.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in la xoojiyo wadashaqeynta.