Wasaaradda Waxbarashada oo bugaagta Manhajka Waxbarashada Qaranka ka qeybisay Luuq “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay degmada Luuq ee Gobalka Gedo ku soo gaba-gabeysay qeybinta buugaagta manhajka Waxbarashada Qaranka.

Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada oo gaaray degmada Luuq ayaa ku guuleystay in dammaan iskuullada Degmada Luuq ee Gobalka Gedo ka qeybiyaan buugaagta manhajka Waxbarashada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada.

Maamulada Iskuulada degmada Luuq ayaa ka mahadceliyay buugaagta manhajka Waxbarashada Qaranka ee la guddoonsiiyay, iyagoo intaa ku daray in ardayda ay ku bari doonaan manhajkan cusub. .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here