Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo soo gabo gabeysay kulan looga hadlayay Warbixinta falaqeynta Waxbarashada “SAWIRRO”

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabo-gabeysay kulan wada-tashi labo maalmood socday, kaasi oo looga doodayay warbixinta falanqeynta Waxbarashada (Education Sector Analysis 2018 – 2020), ayna ka soo qayb galeen madaxda, hawl-wadeennada iyo la taliyeyaasha Wasaaradda, Agaasinka Waxbarshadda Gobalka Banaadir, xubno ka socday Jaamacadaha, Midowga Dalladaha Waxbarashada iyo hay’adaha taageera Waxbarashada.

Labadii maalmood ee uu kulanku socday ayaa waxaa ka qayb galayaasha Ka doodeen ayaga oo koox-koox qaybaha ay ka kooban tahay warbixinta sida (1) Xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka (2) Tirakoobka Xogta Waxbarashada dalka (3) Maal gelinta Waxbarashada (4) Tayada Waxbarashada (6) Awoodda hay’adeed ee maamulka Waxbarashada dalka.
Ka qayb galayaasha kulanka ayaa waxay sameeyeen talo bixin iyo fikrado wax ku ool ah, kuwaasi oo lagu biirin doono warbixinta qabyo-qoraalka ah.

Warbixintaan marka lasoo geban-gabeeyo, ayna ansixiyaan dhammaan bahwadaagta Waxbarashada dalka ayaa waxa ay Wasaaradda Waxbarshadda, Dowladda Federaalka Somaaliya ay billaabeysaa diyaarinta Qorshaha 3aad ee Horumarinta Waxbarshada dalka, iyadoo la eegaayo baahiyaha iyo caqabadaha dhanka Waxbarashada ee warbixinta, falanqeynta lagu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here