Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Oo Ummadda Soomaaliyeed Uga Tacsiyadeysay Geerida Ku Timid Arday Kaalimaha Hore Ka Galay Imtixaanka 

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ehelka, masuuliyiinta, bahda Waxbarashada iyo bulshada reer Jubbaland geerida naxdinta leh ee ku timid Taabit Cabdillaahi Xasan Rooble oo ahaa ardaygii kaalinta 22aad ka galay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dhawaan la shaaciyay.

Waxaan Alle uga baryeynaa isaga iyo dhammaan inta ku geeriyootay musiibadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, inta dhawaaca ahna caafimaad degdeg ah siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here