Wasaaradda Waxbarashada XFS oo labo gaari ku wareejisay Jubbaland

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya(XFS) ayaa labo baabur oo loogu tala galay Kormeerada dugsiyada iyo ka qeyb qaadashada Horumarinta waxbarashada ku wareejisay wasaaradda waxabarashada jubbaland.

Baabuurtan ayaa waxa ay qeyb ka ahaayeen 11 baabuur oo ay uu ku deeqay mashruuca “Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada” (Global Partnership for Education).

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdinuur Axmed Jaamac ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarshada Jubbaland Baabuurta waxana ka gudoomay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Waxabarshadda Jubbalanad Axmed Ab.

Agaasimaha xiriirka Gobalada iyo Hay’adaha Ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in Baabuurtaan ay ahmiyad u leedahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana waxa ay qeyb muhiim ah ka qaadan doonaan daba-galka iyo kormeerka waxbarshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here