Wasaaradda Waxbarashadda oo wada qorshe dib loogu soo celinayo Sharuucdii Waxbarashadda ee dalka

701

Wasaradda Waxbrashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ka shaqeyneyso sidii ardeyda Soomaaliyed ay u heli lahaayeen Waxbrasho tayo leh.

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Waxbrashadda Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle “Jaabiri” aya sheegay in ay dhawaan sameyn doonaan guddi taclinta sare ah oo qiimeyn rasmi ah ku sameyn dona tayada tacliinta dalka iyo sidii loo wanaajin  lahaa Waxbarashadda Dhalinyaradda Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda gaar ah oo nasaaran waxaa ay tahay in ardayga Soomaaliyeed hello  Waxbarasho tago leh taasna waxaa looga shaqeyn karaa in aan helno Sharuucdii Waxbarashadda dalka taasna waxaa tahay mid aan dhamaanten kawada shaqeyneyno muhiimad gaar ah ayeyna inoo leedahay taas” Sidaas waxaa sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Waxaa uu sheegay in Macalinta Waxbaraya Ardayda Soomaaliyeed laga doonayo in uu soo buuxiyo dhamaan Sharuudihii looga baahnaa Macalin.

Wasaaradda Waxbarashadda ayaa dadaal ugu jirta siddii loo sameyn lahaa dhamaan Sharciyadii Waxbarasho ee dalku lahaa.

Halkan ka dhageyso Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashadda Cabdiraxmaan Jaabiriww

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here