Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Koonfurgalbeed Soomaaliya oo Magaalada Baydhabo ka daahfurtay Mashruuca Daweynta Xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay ka Daahfuray Mashruuca Daweynta Xoolaha, kaas oo Loogu talagalay in lagu ogaado Xaaladaha Cafimaad ee Xoolaha deegnada Konfurgalbeed.

Wasiir Muqtaar Max’ed Guuled oo La Hadley Radio Muqdisho ayaa Sheegey in Mashruucan ay ka faa’ideysan donaan ilaa iyo 100 qoys oo Dadka Danyarta ah si loogu daweeyo xoolahooda, isagoo intaa ku darey in Mashruucan ay iska Kaashanayaan Hay’adda Save The Children iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa DGKG.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Konfurgalbeed ayaa Tilmaamay in ka Warqabka Cafimaadka Xoolaha ay Tahay Muhiimada Kowaad ee Wasaaradu ay Leedahay Waxaana u Sheegey iney Goantahay inay ku Dadaalan Sidii ay Ula Dagaalami lahayeen Caafimad darada Soo wajaha xoolaha.

Ugu Dambeyn Wasiirka ayaa baaq u direy dhamaan Hay’adaha Arimaha Xanaanda Xoolaha ka Shaqeeya iney wasaaradu si tos ah ula soo xiriiraan si howlaha ay wadaan Wasaaradu ula socoto isagoona balan qaadey iney si wanaagsan ula shaqeyn doonnaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here