Wasiirka Kalluumeysiga oo ka hadlay dib u dhiska xarunta Wasaaradda

1
1504

Wasiirka Kallumeisga iyo Kheyradka badda Mudnae Maxamed Cumar Caymooy ayaa sheegay in ujeedka kormeerkoodu uu la xiriiro sidii Hay’adda FAO ay gacan uga siin lahayd qalabeynta xafiisyada, isla markaana ay ku soo wareejiyeen qeybaha ay ka koobantahay xarunta

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay kal hore ku wargeliyeen inay xarunta cusub u guuri doonaan dhawaan xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeyay.

Mudane Maxamed Cumar Caymooy ayaa sheegay in saraakiisha hay’adda FOA ay ahmiyad weyn ugu fadhido inay soo arkaan xaaladda xarunta cusub, isagoo intaa ku daray inay dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay nooga caawin lahaayeen qalabeynta xafiisyada Wasaaradda Kalluumeysiga.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. aawey sawiradi radiomuqdisho ,tankale warka mafahmin ee mawasaradii kalunka ee ku til cadilacasii ayaa dayactir lagu sameyey mise dhisma kale ayey wasaradu ku shaqeynaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here