Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Waxbarashada iyo Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta oo si wadajir ah u furay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

1440

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan , Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  ayaa caawa si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkii shanaad barnaamijka ay taaba galineyso maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada, Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Radio Muqdisho, Agaasimaha Telefishinka Qaranka, iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa sheegay inay sharaf u tahay in markale ay qabanayaan tartan cilmiyeedka, iyadoo ay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ay ka kala socon doonaan Warbaahinta Qaranka, sida Telefishinka iyo Radio Muqdisho, qaar ka mid ah idaaco ku yaalo gobolada dalka, isla markaana uu sanadkan yahay kii 7aad ee ay qababeyso Warbaahinta Qaranka.

“Tartanka waxaa ka qeyb galaya 28 degmo oo ay ku jiran 17-ka degmo ee gobolka Benaadir, waxaana tartamayaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah noola socon karaan” ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in barnaamijkan uu soo bilowday sanadkii 2012-ka, shan sano oo ka mid ah mudadii la soo qabanayay waxaa maal gelinayay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana arrintan uga mahadcelineynaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha tartanka soo maray..

“Halkan aqoon ayaa la isku weydaarsadaa, dadyow kala duwan ayaa isku barta, waxaan rajeynayaa in uu si nabad ah noogu dhamaado sida sanadkii hore oo kale” ayuu yiri Agaasime Liibaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al Cadaalla ayaa sheegay in tartankan uu soo maray marxalado kala duwan, waxaana uu xusay in ujeedka tartanka yahay in ay ka faa’iideystaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan

“Faa’iidooyin badan ayaa Barnaamijkan laga dhexlay, waxaana la ogaaday in barnaamijkan uu xoogga saarayo barashada taariikhda dalka, waxaan hortiina uga mahadcelinayaa howlwadeenada Wasaaradda oo u istaagay in uu taabo galo tartanka, waxaana ku soo bilownay in uu Radio Muqdisho ay si toos ah uga dhageystaan, waxaa kaloo ku guuleysanay in sanad kadib laga daawo telifishinka, sanadkan waxaan suurta gelinay in dadka aan heysan Telefishin ay ka dhageysan karaan Idaacado ka dhisan Gobollada dalka ee ay ku noolyihiin”” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis  oo isna ka hadlay furitaanka tartan cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Ramadaan, waxaana uu Alle ka baryay in Soomaaliya uu Alle dhibaatada ka qaado, bulshaduna ay is cafiyaan.

Wasiirka ayaa xusay in barnaamijka uu yahay mid wacyi gelin ah oo bulshada lagu barayo taariikhdooda, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doonaan barnaamijyada nuucaani oo kale ah.

“Sharaf weyn ayay noo tahay inaan daah furno tartan cilmiyeedka, tartanka oo ay Warbaahinta Qaranka u qabato 17-degmo  ee gobolka Banaadir iyo Caasimadaha Gobollad dalka, kaasi oo ujeedkiisu yahay in ay bulshada ka faa’iiddo aqoon, waxaan u mahadcelinayaa Maamulka Gobolka Banaadir oo suurta geliyay in uu qabsoomo, tartamayaasha waxaan kula dar daarmayaa inay soo bandhigaan aqoontooda, iyadoo ay ku jirto si aqlaaqleh” ayuu yiri Siihayaha Wasiirka Warfaafinta.

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay is caawiyaan oo ay ka qeyb qaataan afurinta dadka walaalahood ee aan waxba heysan, sida ay iminka bilaabeen Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilshada bisha Barakeysan, isla markaana ka codsaday shacabka inay is gar gaaraan oo ay caawiyaan walaalahood dhibaateysan.

“Sharaf ayay ii tahay inaan caawa idinkala soo qeyb gala tartanka cilmiyeedkan, runtii waa tallaabo aad u wanaagsan, waxaan rajeynayaa in taariikhda laga soo shekeeyay ay noqoto mid sii soocoto, runtii Barnaamijka waa mid aad u wanaagsan oo keenaya in uu abuuro isdhexgal bulsho, dadka soo qaban qaabiyay waxaan filayaa inay heleen aqoon ku filan, anaguna waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano doorkeena” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wasiirka Waxbarashada ayaa xusay in 19-ka bishan ay Wasaaradda qaban doonto imtixaanka shahaadiga ah, isagoo u rajeeyay ardayda u fadhiisaneysa imtixaanka inay ku guuleystaan ayna iska ilaaliyaan inay naftooda qiyaamaan, waxaana uu guul u rajeeyay ka qeyb galaayasha tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow  ayaa ugu horeyn Wasiirada Warfaafinta, Waxbarashada iyo agaasimeyaasha Wasaaradda Warfaafinta uga mahadceliyay qaqsoomidda barnaamijka tartan cilmiyeedka, waxaana uu si gaar ah labada degmada ee ku tartamaya u rajeeyay inay guuleystaan, sanadkan kiisa xigana ay ku gaaran horumar.

“Waxaan rabaa inaan waxyar ka sheego taabo gelinta tartan cilmiyeedkan oo ay sameyneyso maamulka Gobolka Benaadir, waxaana aad ugu rajo weynahay inay noqoto mid joogto ah, aniga oo ku hadlaya magaca Gobolka farxad ayay noo tahay in tartanka qabsoomo, runtii tartanka waxaa ka faa’iideysta dhamaan bulsahda qeybaheeda kala duwan” ayuu yiri Guddoomiye Eng, Yariisow.

Guddoomiyaha ayaa hambalyo u diray dhammaan ka qeyb galayaasha tartan aqooneedka bisha Ramadaan ee ay sanad waliba qabato Warbaahinta Qaranka, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in aqoonta lagu tartamo, isla markaana ay maskaxda maalaan.

“Wadan waliba waxa uu ku horumaraa aqoonta, marka waxaan idinka rajeynayaa inaad ka faa’iideysataan aqoontiina, howlwadeenada howsha u dhabar adeegtay waxaan uga mahadcelinayaa dadaalka ay u galeen inay bulshadooda u adeegaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay arrimaha amniga ayaa sheegay inay muhiim tahay Nabadgelyada, waxaana uu intaa ku daray in amniga lagu xaqiijin karo, kalsoonida shacabka oo la hela iyo in la xoojiyo dariseynta, isagoo xusay in uu ka kormeer ku tegay degmada Hodan oo ay ugu kuur galayeen nidaamka deriseynta, si loo xoojiyo Nabad gelyada.

“Waxaan bilownay barnaamij Takulo oo lagu caawinayo dadka dhibaateysan, runtii magaaladan waxaa ku nool qoysas barakacayaal ah oo u baahan in la caawiyo, waxaan ku faraxsanahay in aan maanta daah furnay barnaamijka oo 15-kun oo qoys lagu afurinayo, runtii waxaan u taaganahay inaan u adeegno shacabka, bulshada waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan barnaamijka Taakulo, oo ay gacan ka geystaan inaan dhexdeena is caawino” ayuu yiri Eng Yariisow.

Tartankii ugu horeeyey ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan ayaa waxaa caawa lagu daah furay tartameyaasha degmooyinka Xamar Jajab iyo  Waaberi oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

Sawrir Qade: Qadar Cali Nuur 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here