Wasiir Arrimaha gudaha oo maanta gaaray Dhuusamareeb

1394

Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen” Odowaa” ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana wefdiga markii ay halkaasi gaareen soo dhaweeyay maamulka gobolka Galgaduud iyo qaar kamid ah shacabka ku nool magaaladaasi.

Socdaalka Wasiirka ayaa la xiriirta dardargelinta howsha maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud isagoo inta uu halkaasi joogo kormeeri doona xarumaha iyo saldhigyada Ciidan oo ku yaala magaalada Dhuusa Mareeb.

Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Odowaa ayaa kulamo la leh waxgaradka ku sugan magaalada Dhuusamareeb oo mudooyinkan dambe ku shirsanaa halkaasi.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here