Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”+Sawirro

1524

Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr: C/raxmaan Ducaale Beyle, kadib markii uu kasoo qayb galay shir looga hadlayay cafinta deymaha iyo taakulaynta Soomaaliya oo ka dhacay Dalka Maraykanka.

Mudane; Beyle oo ay Gegida Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay guul weyn kasoo gaareen waxa uu ku Magacaabay shirkii Gu’ga ee ka dhacay Dalka maraykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxda hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka.

“Soomaaliyeey haddaan Gacmaha is qabsanno guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa Insha Allaah” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in guusha shirkaas ka soo baxday ay tahay in hadda si rasmi ah Waddamada Caalamka iyo kuwa Deeq bixiyayaashu ay u aamineen Dowladda Soomaaliya, kuna kalsoonaadeen hannaanka hufan ee maamulka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here