Wasiir Beyle oo Jabuuti kula kulmay Safiirka Ruushka ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo ay ka wada hadleen arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ruushka ee Soomaaliya H.E. Mikhail Golovanov oo aan ka wada hadalnay arrimaha deyn cafinta Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa hadda meel wanaagsan maraya,waxayna Xukuumadda martay wado kasta oo sahli karta cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Ruushka waa dalka 2-aad ee deyn cafinta ugu badan nagu lehg, wada hadalkeenu wuxuu ku saleysnaa sidii ay deymahaas nooga cafin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Beyle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here