Wasiir Beyle oo shirguddoomiyeyay kulanka todobaad laha ah ee Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya “SMP3”

365

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta guddoomiyeyay kullanka todobaad laha ah ee Barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ee SMP3.

 

“Maanta waxaan shir gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah ee  SMP3, Waxaan diiradda Ku saarnay howlaha na horyaala iyo u diyaar garowga arimaha SMP3 nagala doonaya in aan fulino,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa diyaargarow ugu jirta ka qeyb galka shir Dowladda Soomaaliya,Hay’adda IMF iyo Banka aduunka ay uga wada hadlayaan dar-dar gelinta cafinta daymaha Soomaaliya, kaas oo Nairobi ka dhacaya bisha December ee sannadkaan.

Hay’adda lacagta aduunka (IMF) ayaa Dowladda Soomaaliya ku ammaantay hufnaanta iyo daah-furnaanta maaliyadeed ee ay ku tallaabsatay sanadihii  ugu danbeysay.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here