Wasiir Cusmaan Libaax oo Qaahira kaga qeyb galay shir looga hadlayo iskaashiga Tamarta iyo Biyaha

578

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Libaax Ibraahim ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galay Shirkii Afaraad ee Biyaha Dowladaha Islaamka.

Shirkan oo furmay shalay ayaa socon doono muddo seddex cisho ah 14-16 Waxaana goobjoog ka ah dhammaan Dowladdaha Islaamka Wasiiradooda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha.

Gabagabada kulankan ayaa  laga soo Saari doonaa Warbixinno ku aadan Horumarinta Biyaha iyo sidii ay wasaaradahan Tamarta dalalkan isgaga gaashan lahaayeen Tamarta iyo biyaha.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa daaal ugu jirta sidii ay shacabka Soomaaiyeed uga faa’ideysan lahaayeen Kheyraadka Biyaha dalka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here