Wasiir Dubbe oo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida Abwaan Sooraan

Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan oo ka mid ahaa jilayaasha caanka ah ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar  Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka.

“Ilaahay ha u naxariisto waxa goor dhoweyd Magaalada Burco ku geeryooday fannaankii, hal abuurkii iyo jilaagii hal-doorka ahaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle. Waxan ka tacsidaynaa ehelkiisii, qaraabadii iyo bahda fanka Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Ilaahay ha u naxariisto Sooraan” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here