Wasiir ku xigeenka Beeraha oo kormeerey Balcad

0
1597

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya C/casiis Salaax Carmaan oo ay wehliyaan mas’uuliyiin uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta kormeerey beeraha ku yaala hareeraha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa waxaa degmada ku soo dhaweeyay maamulka degmada waxayna la kulmeen qaar kamid ah Beeraleyda gobolka ayagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan dhibaatada ay ku qabaan fatahaada uu hada iyo jeer sameeyo webiga Shabeele.

Mudane C/casiir wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha ayaa xubnihii ka socday beeralayda degmada Balcad oo uu maanta la kulmay waxaa uu u balan qaaday in wasaaradda ay gacan ka siin doonto ka hor tagidda fatahaadda webiga Shabeele.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here