Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo kormeerey Isbitaalka Ex. Digfeer (Sawirro)

0
2382

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka  & Daryeelka bulshadda ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Muqdisho Soomali Turkish Ex. Digfeer ay gacanta ku hayso dowladda Turkiga,kormeerkaasi oo uu ugu kuurgalayey howlaha Isbitaalka uu hayo shacabka &horumarintii bilihii ugu dambey ee lagu sameeyey.

Kormeerka wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka & Daryeelka bulshadda  Cismaan Maxamed  Cabdi (Cismaan-Daallo) ayaa waxaa ku waheliyay agaasimaha daweynta & qalabaynta ee wasaaradda Caafimaadka.

Mas’uuliyiinta  ayaa ku soo wareegay qaybaha Isbitalka oo ka koobanyahay oo ay ka mid yihiin  qeybta sifaynta kiliyaha & kaadi Mareynka, Caruurta,Haweenka & qeybo kale oo muhiim ah.

Cismaan Maxamed Cabdi (Cismaan-Daalo) wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa sidoo kale waxaa uu  indho indheeyey xaaladda bukaanadda Isbitaalka Muqdisho Samali Turkish ,kuwaasi  oo iskugu jiray bukaano lagu sameeyay qaliino oo ay ka mid yihiin carruur ku dhalatay indho la’aan oo horey wax loo qaban waayey Isbitaalada kale, dad ku soo dhaawacmay qaraxyo sida gabar ku soo dhawacantay qarax ka dhacay ceelsha biyaha oo dhamaanteed gubatay haddana ay ka soo reynayso xaaladdeeda.

Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in isbitaalka ,oo Muqdisho Somali Turkish uu shaqo balaaran uu u qabto isla markaana xilligan uusan wali dhameystimin uuna u shaqeeyo heererka Isbitaalada caalamiga ah.

”Waxaa shaqeya qaybo badan oo ka mid ah isbitaalka,waxaana jooga dhakhatiir takhasusyo kala duwan leh,waxaa Isbitaalka ka socdda howlo aad sareeya ,waxaad aragtaan carruur ku dhalatay indho la’aan oo horey loo sheegay in aan wax laga qabankarin dalka, hadda indhihii loo fiiqay,bukaano wadanka dibadiisa uu aadi jiray xanuuno ayaa Isbitaalka daweynayo”. ayuu yiri Nuur.

Husein Jaan Kormaz oo ka mid ah maamulka Isbitaalka ayaa sidoo kale hadlay himiladda uu Isbitaalka qorsha dhaw &  kan fog uu gaari doono isagoo  sheegay  in laga dhigo Muqdisho Somali Turkish hopitaal kan ugu casrisan Geeska Afrka.

“Howsha aan ka hayno halkaan waa in aan caawina dadka Somaliyeed,dadka ajanabiga ah  ee halkaan jooga ee ka soo tagay caruurtoodda eheladooda in ay lacag ka sameeyaan dadka walaahood ah ee dhibataysan uma aysan imaanin, Isbitaalka kor ayuu socdda waxaana la gaarsiinayaa heer Isbitaalada caalmiga ah sida hadda ku argtaan qeybo badan oo ka mid Isbitaalka, ilaa xiligii uu  yimid madxweynaha Ordagan 2010 wixii ka dambeeyey waxaan go’aamsanay  inaan  caawino walaalaheena Soomaaliyeed muhiimadduna waa siddaa.” ayuu sheegay Mr Kormaz.

Agaasiamha qalabeynta & daweynta ee wasaaradda caafimaadka Dr C/risaaq  Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in howsha adeega caafimaadka ee ka socdda Muqdisho Somali Turkish hospital ay tahay riyo ay dadka Soomaalida qabeen oo ay rumeeyeen walaalaha Turkiga.

“Wax badan ayaan ku aragnay indhaheena oo na faraxad galiyey adeegyadda qaar uu Isbitaalka qabanayo ,waxaa aan ka jirin waddamada deriska ama qaali ah ayaa kamid ah waxyaabaha ku soo jiidan kar”. waxaa sidaa yiri Yuusuf.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Cisman Maxamed Cabdi (Cismaan-Daalo) ayaa ugu dambeyntii ka hadlay kormeerkii uu maanta ku tagay Isbitaalka Muqdisho Somali Turkish Hospital Ex.Digfeer.

”In isbitaalka uu shaqeeya sida Isbitaaladda heerka caalimiga ah ,sidoo  kale waxaan ku arkay isbtiaalka qaybo wadanka horey ugu jirin sidda kiliyo sifeynta oo lagu bixinaayo qidbad jaban,arrimahaan waxaa ay natusinayaan abaal aan la iloobayn oo aan u hayno shacabka iyo dowladda Turkiga aad ayaan ugu mahadcelinaynaa“. sidaa waxaa sheegay Cismaan Daalo.

Isbitaalka  Muqdisho  Somali Turkish ayaa waxaa uu ka mid yahay  Mashaariicda  ay wadanka hirgelisay dowladda Turkiga, waxaana Isbitaalkan dib u dayactirkiisa ka dib xariga ka jaray madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Turkiga waxaana uu kamid yahay Isbitaalada ugu casrisan guud ahaan wadamada dhaca Geeska Afrika.

vlcsnap-2015-05-19-20h09m15s109 vlcsnap-2015-05-19-20h09m59s36 vlcsnap-2015-05-19-20h10m08s145 vlcsnap-2015-05-19-20h10m25s45 vlcsnap-2015-05-19-20h10m59s115 vlcsnap-2015-05-19-20h11m21s104 vlcsnap-2015-05-19-20h11m43s72 vlcsnap-2015-05-19-20h12m09s67 vlcsnap-2015-05-19-20h13m11s159 vlcsnap-2015-05-19-20h13m40s195 vlcsnap-2015-05-19-20h07m31s65 vlcsnap-2015-05-19-20h07m51s42 vlcsnap-2015-05-19-20h08m45s43

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here