Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada oo tababar u soo xiray Dhalinyaro la baray xirafado ganacsi”SAWIRRO”

1389

Dhalinyarada oo tiradoodu gaarayso 30 ayaa laga soo kala xulay  dhalinyarada degmooyinka waxaana muddo hal sano ah ay baranayeen tababar ku saabsan xirfadda ganacsiga ayaa maanta la gudoonsiiyay lacago loogu talagalay in ayku bilaabaan  ganacis, iyadoo fulinta tababarkan iska kaashaday  ururka Shaqaalaha Aduunka “ILO” iyo hay’adda dhanka ganacsiga ka shaqeysa oo lagu magacaabo MMC.

Munaasbadda dhalinyaradan tababarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaraha,mas’uuliyiinta hay’addan soo agaasimay howshan, xubno ka tirsan ururka dhalinyarada gobolka Banaadir iyo Waalidiinta dhalinyarada tababarka loo soo xiray ayaa maanta  lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Hay’adda MMC Siid Cali Abuukar ayaa sharaxaad ka bixiyay mudadii uu tababarkan uu u socday dhalinyaradan. isagoo sheegay in tirada dhalinyarada ay 30 ka badnaayeen hase yeeshee ay ku kala saareen xirfadaha ay barayo dhalinyarada isla markaana kuwan ay yihiin kuwii bartay xirfada ganacsiga.

C/casiis Ibraahim Cismaan oo kamid ah waalidiinta dhalinyarada maanta tababarka loo soo xiray oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay hay’adaha Barnaamjika iska kaashaday, isagoo magaca waalidiinta dhalinyarada ku hadlayay ayaa waxaa balan qaaday in ay dhalinayarada ku gacansiin doonaan sidii fursadan ugu faa’ideysan lahaayeen.

Axmed Abuukar oo kamid ah mas’uuliyiinta ILO ee Soomaaliya ayaa dhankiisa balan qaaday in ay ILO ka wasaaradda dhalinyarada ay ku garab taagan tahay sidii dhalinyarada Soomaaliya shaqo abuur loogu sameyn lahaa isla markaana dhalinyarada Soomaaliyeed loogu baahan yahay in ay wadankooda iimaansadaan halkii ay wadamada qurbaha ay u hanqaltaagi lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Dhuubow oo munaasabada soo xiray ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah oo ay heleen.

vlcsnap-2015-04-06-14h14m14s55 vlcsnap-2015-04-06-14h14m23s183 vlcsnap-2015-04-06-14h14m56s2 vlcsnap-2015-04-06-14h14m59s32 vlcsnap-2015-04-06-14h15m07s112 vlcsnap-2015-04-06-14h15m15s188 vlcsnap-2015-04-06-14h15m18s215 vlcsnap-2015-04-06-14h15m28s65 vlcsnap-2015-04-06-14h15m32s99 vlcsnap-2015-04-06-14h15m44s223 vlcsnap-2015-04-06-14h15m54s68 vlcsnap-2015-04-06-14h16m02s153 vlcsnap-2015-04-06-14h16m06s190 vlcsnap-2015-04-06-14h16m13s254 vlcsnap-2015-04-06-14h16m15s18 vlcsnap-2015-04-06-14h16m30s175 vlcsnap-2015-04-06-14h16m33s200 vlcsnap-2015-04-06-14h17m11s71 vlcsnap-2015-04-06-14h17m23s185 vlcsnap-2015-04-06-14h17m30s6 vlcsnap-2015-04-06-14h17m42s121 vlcsnap-2015-04-06-14h17m50s203 vlcsnap-2015-04-06-14h17m57s15 vlcsnap-2015-04-06-14h17m59s38 vlcsnap-2015-04-06-14h18m07s115 vlcsnap-2015-04-06-14h18m17s216 vlcsnap-2015-04-06-14h18m19s236 vlcsnap-2015-04-06-14h18m26s51 vlcsnap-2015-04-06-14h18m28s69 vlcsnap-2015-04-06-14h18m35s144 vlcsnap-2015-04-06-14h18m42s216 vlcsnap-2015-04-06-14h18m44s235 vlcsnap-2015-04-06-14h18m51s43 vlcsnap-2015-04-06-14h18m53s71

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here