Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdirahmaan Yusuf Shiikh Cumar Al-cadaala ayaa si balaaran loogu soo dhaweeyay deegaanka wisil ee gobolka Mudug.

Wafdiga wasiirka waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka deegaanka.

Dhinaca Kale Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Cabdirahmaan Yusuf Shiikh Cumar Al-cadaala ayaa kulan la qaatay wax garadka deegaanka iyo Ciidamadda qalabka sida kuwaasi oo difaaca uga jira deegaanada ku hareereysan deegaanka Wisil oo si dhuumaleysi ah ku yimaadaan argagixisada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here