Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjraha cusub ee Yemen “SAWIRRO”

W2

Muqdisho, December 08, 2016 – Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Ahmed Ali Mohamed “Kadiye”  ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fadal Ali Alhanak.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiir kuxigeenku la yeeshay kulan gaar ah Danjire Fadal Alhanak oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka , arrimaha qaxootiga  iyo ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu si rasmi ah u bilowday December 18, 1960.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Yemen xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag iyo derisnimo.

W1 W2 W3 W4 W5 W6 W7

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here