Wasiir Maareeye oo Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Qadar

444

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo booqasha ku jooga dalka Qadar ayaa magaalada Doha kula kulmay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Gaadiidk Dowladda qadar.

Wasiir “Maareeye” iyo Wasiirka Isgaarsiinta Qadar Jssim Seif Ahmed al-Sulaiti, ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal sida xoojinta xiriirka labada dalka iyo sidii loo horumarin lahaa arrimaha Gaadiidka iyo Labada Wasaaradood.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlaha horumarineed ee Dowladda Qadar ka waddo Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay iney faa’ido weyn u leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here