Wasiir Maareeye oo ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose

Maareeye-1

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Dirta Waqooyi ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho, waxaana markiiba la doortay mid kamid ah kuraasta lagu tartamayao maanta.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa 51 cod kaga guuleystay musharax kale oo la tartamayey, iyadoo wali lagu tartamayo kuraas kale oo gudigu ay sheegeen in isla maanta la dooran doono xubnaha ku tartamaya.

 

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. MAAREEYE MIDEEYE NOQO

    waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa wasiir maareeye iyo bahda isgaarsiinta qaranka oo wasiirkoodu ku soo baxay doorashada golaha shacabka soomaaliyeed.

    waxaan leeyahay mudane wasiir marka hore hamalyo marka xigana
    howsha ku sugeysaahi way adagtahay adiga iyo inta la doortayba
    waxaa idin sugeyso afar sano oo ah furaha guusha ummadda soomaaliyeed hadii mudanayaasha la doortay u howl galaan sida shacabkoodu ugu hanweyn yahay.
    mudane wasiir /xidhibaan waxaa idin sugaayo howl culus.

    tan ugu muhiimsani waa amniga wadanka oo la sugo iyo ummaddeena oo dib u heshiinsiin dhab ah loo sameeyo si ay usoo noqoto kalsoonidii ummaddeenu isku qabeen berisamaadkii,sidaas tarteed ayaan kuu leeyahay mudane maareeye mideeye noqo adigoo ka mid ah walaalaha reer waqooyi ee midnimada u istaagan.
    mudane maareeye midnimadu waa shay muqadas ah alllaha idinku garab galo sidaad u baabi,in laheedeen cuqdada dhaxtaalo ummadeena soomaaliyeed waayoo cisada iyo karaamadu waxeey ku jirtaa midnimada iyo wadajirka.
    galab wanaagsan iyo horuumar iyo midnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here