Wasiir Maareeye “Ummadda Soomaaliyeed ha is cafiyeen meelkasta oo ay joogaan”

0
1690

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa in Soomaalidu ay is cafiso, isla markaana ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka kala socday labada gole ee dowladda ,maamulka gobalka banaadir,  odayaal dhaqameed, abwaano, haween iyo qeybaha kale ee bulshada .

Khadiijo Cosoble oo ka mid ahayd haweenkii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegtey in loo baahanyahay in dhamaan bulshada ay ka wada qeyb qaataan ducada maalinta ay ku beegantahay ciidul Adxa.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimadii ka qeyb galay kulnaka loogu magacdarey uducee  Soomaaliya munaasabada ciidul Adxa awgeed ayaa bulshada ka dalbaday inay iscafiyaan oo ay u istaagaan sidii ay horumarka dalka uga wada qeyb qaadan lahaayeen.

Abwaanadii ka qeeb galey kulanka ayaa waxaa ay iyana dhankooda soo bandhigeen hadalo iyo gabayo murti ahaan bulsha soomaaliyeed ay kula talinayaan.

Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub ayaa tix gabay ah oo uu kaga hadlayay in ummadda iscafiyaan goobta ka jeediyay.

Guddoomiya ku-xigeenka siyaasada ee maamulka gobalka banaadir Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegey in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qorshahan ay Wasaaradda Warfaafinta soo qaban qaabisay ee bulsha Soomaaliyeed isugu duceynayaan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiisa Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in bulshada looga baahanyahay inay iscafiyaan, maalinta ciddana la qabto kulan balaaran oo la isku cafinayo.

“Waxaan codsanayaa in Soomaalidu ay iscafiso, waxaan kaloo soo jeedinaa in la sameeyo todobaad aan ugu magac darnay is cafinta iyo isdhexgalka bulshada, iyo in maalinta ciida si wada jir ah loo duceysto” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here