Wasiir Maareeye “Waxaan Yemen u direynaa Markab soo qaado muwaadiinta ku xaniban Dalkaasi” SAWIRRO

1
2455

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay markab ay dowladda Soomaaliya u direyso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, si dalkooda dib loogu soo celiyo.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ugu horeyn la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu jiro markab uu ganacsade Soomaaliyeed ku yaboohay in lagu soo daad gureeyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, kaasi oo uu sheegay in iminka la rarayo oo la saarayo raashin, biyo iyo dawooyin, si dadka la soo qaadayo ay u helaan gurmad dhan waliba leh.

“Waxaa jirta in ganacsade Cabdi Faarax uu dowladda ugu yaboohay markab, lagu soo qaado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xaniban, waxaana uu soo qaadayaa 2,300 (Labo kun iyo saddex boqol) oo qof labo jeer ayuuna ku laabanayaa Yemen, si uu mar labaad u soo qaado inta kale ee ku harsan dalkaasi, waxaana markabka raacaya suxufiyiin, dhaqaaatiir iyo howlwadeenno kale” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo hadalkiisa ku daray “Waxaa jirta in ay xaalado adag ku nool yihiin dadkii horey ugu soo barakacay magaalada, runtii roobabkii ka da’ay caasimadda saameyn ayay ku yeelatay qoysas badan oo u baahan in gurmad beni ‘aadannimo loo fidiyo”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inta wax haysata, inay gacan ka geystaan gurmadka loo fidinayo Walaalahood ku soo guryo noqonaya dalka iyo kuwa kale ee barakacayaasha ah.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuql insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in dadka dib dalkooda loogu soo celinayo ay ku jiraan qaxooti u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo ay sheegtay in xilligan bulshada looga baahanyahay inay gurmad u fidiyaan, maadaama kolkii hore ay soo dhaweeyn u sameeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen u carartay.

Ugu dambeynta Labada Wasiir ayaa waxa ay kormeer ku tegeen dekadda Muqdisho, halkaasi oo ay ka socoto howlo raashin iyo daawooyin lagu rarayo markabka oo la doonayo in berri uu u boqoolo dhanka dalka Yemen, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Wasiirka Dekadaha iyo howlwadeenno kale oo dowladdu u xilsaartay in markabkaasi ay diyaariyaan.

IMG_9871 IMG_9792 IMG_9793 IMG_9795 IMG_9798 IMG_9799 IMG_9804 IMG_9805 IMG_9806 IMG_9807 IMG_9812 IMG_9813 IMG_9814 IMG_9816 IMG_9818 IMG_9819 IMG_9842 IMG_9844 IMG_9849 IMG_9857 IMG_9860 IMG_9863 IMG_9867

IMG_9871 IMG_9885 IMG_9887 IMG_9898  IMG_9901 IMG_9902 IMG_9907

 

Sawir Qaade: Maxamed Macalin Xasan “White-ka”

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa in umadada soomaaliyeed ee is jecel ay ka tashtaan , kuwa la magacbaxay soomaland oo aad u neceb ummmadada soomaaliyeed oo isku maleeyo in ay aasal ka yimaadeen ciraaq ,haday ciraq ka yimaadeen maxay u madowyihiin waa been ay isku sheegeen marka ay jaadka cunaan, ilee waa mashaqeystayaal shaxaad ku nool oo jaahiliina ,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here