Wasiir Odawaa: Waxaan furidoonnaa shir Wadatashi ah bisha November kaas oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda

1246

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu  dhawaan furmidoono Shirka Maamul u samaynta Gobollada Hiiran iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dhawaan ay billaaban doonto dhismaha Maamullada Hiiraan iyo shabeellaha Dhexe, isla markaana loomaridoono hanaankaas sidii loo dhisay Maamulladii ka horreeyay.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa tilmaamay in  ay socoto qorshayaal  lagu Dhisayo Xisbiyada Siyaasadeed  si loo gaaro halka la hiigsanayo Mustaqbalka Dhow.

“Sharciga axsaabta waxa uu yaalla Wasaaradda Waxaana furi doonnaa shir  Wadatashi ah bisha November  kaas oo looga hadlayo dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kaddib waxaan horkayn doonnaa Golaha Wasiirrada iyadoo loo gudbin Doono baarlamaanka si ay ugu dambayn u meelmariyaan” Ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. wasiirka wareysigi lalayeeshay waa la soconay waana ku mahadsanyahay sida tifatiran ee oow uga jawaabay su,aalaha la hordhigay waxaan leenahay waxaad tahay wiilyar oo geesi ah oo hadana aqoonyahan ah maantana waxaad haysaa masuuliyad aad u culus oo ah wasiirka arrimaha gudaha iyo waliba meel marinta fadraalka hadaba wasiir waxaa ku saaran masuuliyad qaran oo ah in aad fadraalki meelmariso maamulo ayaad ku guuleysatay inaad dhisto qibro weyna qaadatay maantana waxaa kuu dhiman seddex maamul oo ah sh.dhexe iyo hiiraan ood ka dhawaajisay dhisidooda dhawaan iyo banaadir oo kuugu fiirinayso indho qaas ah kuna leh miyaad i ilowsantahay mase waxkalaa jiro?
    mudane wasiir qofba maalin bow mas,uul noqdaa maantana taariikhdu way kuu qori doontaa sidaad ka yeesho
    gobolka banaadir iyo aayaha seddexda malyuun ee banaadir ku nool oo maanta qabo cabsi ah sida mustaqbalkoodu noqon doono,hadaba wasiir waxaan kaa sugeynaa mar aan dheereyn inaad ka dhawaajiso reer banaadir iyo xaqa ay u leeyihiin ineey gobolada kale wax la qaybsadaan.
    illaaheey hakuu fududeeyo mas,uuliyadaad heyso ayaana ku leenahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here