Wasiirada Galmudug oo ansixiyay qodobo muhiim ah-Sawirro

0
1190

Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado waxaa caawa ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Khamiis walba yeelan jireen Golaha Wasiirada dowlada goboleedka Galmudug waxaana kulankaan shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Galmudug Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali “Shukri” ayaa soo bandhigay muhiimada ay leedahay hirgalinta Xeerka Garsoorka, waxuuna Wasirka soo bandhigay shaxda Xeerka Garsoorka Galmudug oo ay ugu horeyso sidii loo heli lahaa Gudiga Golaha Garsoorka Galmudug iyo Hirgalinta Maxkamadaha Gobolka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Cali Saciid Cumar Ibraahim ayaa isna soo bandhigay Qorshaha dhismaha Wasaarada Maaliyada oo ka kooban 8 qodob oo ah habka ay Hay’ada wasaarada Maaliyada ku shaqeyn lahayd iyo haykalka Wasaarada ay ku leedahay Abuurista illo Dhaqaale oo ay ugu horeeyaan Dejinta xeerarka canshuuraadka sida Hanti dhowrka Canshuuraadka Maamulada, Daqliga Dowlada iyo Diyaarinta Miisaaniyadda.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Nuur Diini ayaa kulanka kusoo bandhigay sharciyada dhismaha guddiga shaqaalaha, sharciga shaqaalaha rayid iyo xeerka mushaarka shaqaalaha rayidka.

Dood dheer oo Golaha Wasiirada Galmudug yeesheen kadib waxa ay kulankooda gacan taag u ansixiyeen shanta qodob ee hoos ku qoran ee laga dooday

1-       Sharciga Dhismaha Wasaarada Maaliyadda

2-       Qaab Dhismeedka Wasaaradda Maaliyadda

3-       Sharciga Dhismaha Guddiga Shaqaalaha

4-       Sharciga Shaqaaaha Rayidka

5-       Xeerka Mushaarka Shaqaalaha Rayidka.

Si kastaba ha ahaatee, shanta qodob ee laga ansixiyay ayaa hoos imaanaya Wasaaradood ee kala ah Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasaarada Maaliyada iyo Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha waana qodob muhiim ah shaqada  Galmudug.

WASIIRADA_GALMUDUG-1 WASIIRADA_GALMUDUG-2 WASIIRADA_GALMUDUG-3 WASIIRADA_GALMUDUG-4 WASIIRADA_GALMUDUG-5 WASIIRADA_GALMUDUG-6

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here