Wasiirka Amminga oo farriin u diray Ciidanka Dowladda

1414

Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaliya Cabdirisaaq  Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidammadda Dowladda federaalka ay wadaan qorshayaal ballaaran oo ciidanku ay ku adkeynayaa howlgallada amniga lagu xaqiijinayo ee ka socda Magaalada, isagoo farriin u diray Ciidammadda Boliiska kaas oo ku aadan inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka xilliyada howlgallada ay socdaan.

“Boliiska meelwalba ay joogaan Nabad Sugidda waxaan kula dar-Daarmayaa  inaad saaxiib la noqotaan shacabka oo aad noqotaan dad Aqlaaqleh oo dadka u gargaara ,wax fiican maaha inaad dadka qoray ku qabataan  haddii ay dhici jirtay hala joojiyo, tusaale u noqda ciidanka kale” Ayuu yiri wasiirka amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Guud ahaan Ciidammadda Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa saaran waajib ah inay si wanaagsan oo Aqlaaq leh ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed , taas oo ka dhigan in si fudud loo helo bulsho iyo ciidan wada shaqeeya si isku mid ahna uga hortagaCadowga Al-shabaab.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. wasiirka amnigu waxoow ka dhawaajiyay arrin aad u muhiim ah oo ah ixtiraamka iyo qadarinta looga baahanyahay ciidanku inuu kula dhaqmo shacabka waayo ciidana wadan ma difaaci karo hadoowsan shacabkiisa ka haysan kalsooni iyo garabistaag, taasina kuma imaankarto illaa la helo ciidan qadariyo shacabkiisa.
    waxaan marar badan shacabku ka hadleen in ciidamada qaarka mid ah ayku xadgudbaan shacabkooda qaasatan mararka ay jirto baaritaano oo ah mid shacabka gelisay cabsi aad u weyn waxaa dhacdo in ciidamadu ayguryaha kala baxaan dhalinyaro farabadan iyagoo leh waxaan baaraynaa dambiilayaal, shacabku waxoow iswaydiiyaa maxeey tahay farqiga u dhaxeeyo wiilka wadaniga ah iyo midka nabad diidka ah mar hadii shacabkii dowlada ayiday ilmahoodi marar badan dambila,aan lagu xirxiro waloow gadaal laga soo daayo?
    waxaa kaloo shacabku ka ashtakoodaa in habeen madoow ay ciidamadu sameeyaan baaritaano ayna dhacdo in guryaha qaarkood ay joogaan haweenkaliya iyadoo saqdi dhaxo la joogo taasuna ay ku abuurtay shacabka cabsi aad u wayn.
    waxaan shaki ku jirin in ciidamadeenu ay ku shaqeeyaan duruuf aad u culus wadan rubac qarni burbursanaa, dagaal nabad diid, ciidamo shisheeye oo wadanka joogo, shacabka oo dowladnimada aan weli si fiican u fahmin iyo ciidankeena oo ay ku yartahay qibrada loola dhaqmo amni sugidu.
    iyadoo ay intaasoo duruufood jiraan hadana waxaa waajib ah in ciidanku hanto kalsoonida shacabka waayo hadaan shacabka iyo ciidanku isku xirmin islana shaqeeyn waxaa dhacayso in amnila,aan iyo ineey taasi cadawga nabad diidka ah fursad u noqoto.
    hadaba waxaa haboon in la sameeyo barnaamijyo towciyo iyo tababaro isugu jiro oo ciidamada loo sameeyo si ay ukasbaan kalsoonida shacabka lana fahansiiyo in shacabkaani yahay shacab ka soo daalay dowlad la,aan una baahan in dhaawacii soo gaaray laga daaweeyo oo loola dhaqmo si naxariis iyo qadarin leh,waxaana shaki ku jirin in shacabkuna ugu jawaabi doono dareen kaas la mid ah.
    waxaa haboon in waxlaga bedelo qaqabashada dhalinyarada faraha badan ee laqaqabanaayo iyagoon dambi laheeyn waayo waxaa dhacdo in marar badan la soo qabto dhalinyaro boqolaal ah hadana la yiraahdo in farokutiris ah ayaa wax lagu helay,taasina waa qatar waayo dhalinyarada wanaagsan hadii dhowrgoor sabab la,aan loo xirxiro waxaa dhicikarto, ineey qaraaro qatar ah qaataan amaba ku fikiraan ineey tahriib galaan.
    shacabkeenu waa shacab wanaagsan waxoowna garab istaagay dowladeena isagoo dowladnimada uhuray dad dhan oo ay jecelyihiin hanoqdaan kuwo laysku qarxiyay iyo kuwo sitoos ah loo dilay iyadoo nabad diidku uga aarsanaayo doorashada dowladnimada iyo garab istaageeda,sidaas darteed shacabkeenu waxoow astaahilaa qadarin iyo daryeel sidaas ayaana lagu gaari karaa dowlad xoog leh iyo shacab isku duuban.
    waa waajib in ciidamadu ay godkasto iyo gurikastoo ay galaan uga daba tagaan nabad diidka laakiin iyadoo la dhowraayo xurmada shacabka waa in ciidamada loo tababaro siyaabaha caalamku u baaro dambiilayaasha marka la soo qabanaayo.
    waxaan illaaheey ka baryaynaa in wadankeenu gaaro nabad aan ka tirtirno wadankeena nabad diidka iyo ciidamadeenoo nagu filnaado lagana maarmo ciidamada shisheeye inshaa alllaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here