Wasiirka Amniga: Bandhiga Carwada Buugaagta Muqdisho waa astaan Nabbad iyo Xasilooni.

2
1280

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bogaadiyay Bandhigga buugaagta Muqdisho oo sanadkii labaad lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo booqday badhigga maanta (Jimco), ayaa qalinleeyda Soomaaliyeed iyo qabanqaabiyayaasha ku ammaanay dadaalka ay u galeen nooleynta qoraalka iyo aqriska kadib sanada badan oo burbur iyo dagaallo lagu soo jiray.

“Qalinleeyda Soomaaliyeed waxa ay qaateen mas’uuliyaddooda,waxa ayna halkaan ku soo bandhigeen buugaag ay waqti iyo maskaxba geliyeen, waana ku ammaaneynaa sida ay uga qeyb qaadanayaan dhismaha wayiga bulshadeenna” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

“Hay’adaha ammaanka ee suurtagaliyay nabadeyna dalka si ay u qabsoomaan munaasabado nuucaan oo kale ah ayaa iyana mudan in aan ku ammaanno sida ay kaalintooda uga soo baxeen”. Ayuu raaciyay.

Wasiirka amniga ayaa noqonaya mas’uulkii dowladeed ee bandhigga ka iibsaday buugaagtii ugu badnaa, iyada oo ay koru dhaaftay buugaagta uu iibsaday soddon buug oo Af-Soomaali ku qoran isa markaana laga qoray dhinacyada kala duwan ee nolosha iyo taariikhda dalka.

Wasiirka oo dhex socday madasha bandhigga ayaa SONNA u sheegay: “Waa fursad aan sanadahaan dambena soo marin in hal goob la isugu keeno tiro intaan la eg oo ah maskaxdii qalinleeyda Soomaaliyeed, sidaa darted qof waliba waa inuu qaataa wuxuu aqrin lahaa illaa sanadka dambe”.

Bandhigga buugaagta Caalamiga ah ee Muqdisho oo muddoo saddex maalin ah soconayay ayaa lagu soo gabagabeeyay Muqdiho, iyada oo xiritaankiisana uu ka qeyb galay madaxweynaha jamhuuryadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

 

wasirka amniga bandhiga

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. afka soomaaliga waa af soo jireen ah oo waxaa ku hadli jiray boqortooyadii madoobeyd ee faraaciinta ee kushitic ka hor islaamka , 7.000 oo sano ayeey ka talinaysay afrika waxaana ay katalin jirtay bariga dhexe waqooyiga afrika iyo koofurta yurub inta ay daganyihiin dadka lagu magacaabo laatiinka sida griiga , waxayna ahaayeen dad aduunka ku soo kordhiyey cilmi badan sida doomaha loo sameysto beeraha dhismaha iyo xili isbadalka , waxayna sheegi jireen in ay ka yimaadeen dhulkii ilaahyada iyo uduga ee soomaaliya , waxayna gumeysan jireen dadka ku nool bariga dhexe oo adoon u ahaa , sababtoo ah dadka bariga dhexe ku nool way neceb yihiin dadka afrika ku nool iyo soomaalidaba aqristow taariikhdaada halkan laguma soo koobi karo ee ogow in dadka soomaalida ay soo jireen yihiin .

  2. balaariya afka soomaaliga waxaa ku hadlo ku dhawaad in ka badan 50.0000 , dadka soomaaligana qaarkoo been ayaa loo sheegay oo waxaa layiri carab ayaad tihiin war carab ma tihin isku midabna matihiin carab waa jaalo adigana madow ayaad tahay ee ka jog ee dadkaaga iyo afkaaga jeclow ee ku dadaal in aad hor marisid dalkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here