shir looga hadlayo qaab dhismeedka Ciidanka Booliska oo muqdisho ka furmay

1
1272

Shirkan oo socon doona mudo saddex maalin ah isla markaana diirada lagu saari doonaa qaab dhismeedka ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo wada shaqeynta ka dhexeysa Boolsika heer Qaran iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa waxaa maanta furay Wsiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, iyadoo ay halkaasi  goobjoog ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socday Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo  khubaro dhanka sharciga ah.

Ka qeybagalayaasha shirka ayaa si aad ah uga dooday  kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhiso awoodda Booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed intuba.

“Shirkan oo uu maanta noo furay Wasiirka Amniga, wuxuu daba joogaa shirkii bishii hore Nairobi ka dhacay oo ku saabsanaa qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maadaama Dowlad goboeledyo ay dalka ka jira, kuwa hadda ay dhsimayaan marka waxaa lagama maarmaan noqotay in arrintaas laga tashto”ayuu yiri Taliyaha ciidanka booliska.

Wasiirka Amniga gudaha Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa xusay in arrimaha ka qeybgalayaashu ay diiradda saarayaan ugu muhiimsna tahay in la qeexo doorka iyo shaqada Booliska Dowlad Goboleedyada iyo kuwa Federaalka ah isla markaana ay u saareen guddi farsamo oo cadeyn doona arrintaasi.

“Muxuu noqonayaa doorka Booliska Federaalka iyo kuwa Gobolada arrimahaas ayaa laga hadlayaa oo aan maanta u joognaa shirkaan aan furay oo socon doona muddo saddex maalin ah, guddi farsamo ayaana arrintaas u magacaawnay, iyaga ayana arrintaasi u dhaafeynaa si ay uga doodaan, waxna uga soo saaraan ujeedka ugu weyn waa arintaasi”ayuu yiri Wasiirka amhiga gudaha.

Shirkan looga hadlayo qaab dhsimeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed maanta ka furmay magaalada Muqdsiho ayaa daba jooga shirkii magaalada Nairobi ka dhacay Bishii hore ee looga tashanayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Booliska heer Federaal iyo kuwa Gobolada, maadaama dalka ay dhismeen Dowlad Goboleedyo kuwa kalena la filayo in hadda la dhiso.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. police waxaaa dhisi kara dadka ee shaqadooda tahay waxaana ka mid ah general cismaan cumar weheliye gas gas oo Somalia u xil saar na Interpol oo ah police ka aduun ka qibradna u leh arimaha police ka c I d heysan jiraty xiligii beri samaad ka , hadii run la rabo qof kasta shaqadiisa haloo dhiibo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here