Wasiirka Amniga gudaha oo la kulmay kusimaha Taliyaha Ciidanka Boliiska

2210

Kulankan maanta Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya uu la yeeshay kusimaha taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed,qeybaha kala duwan ee Hogaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,Taliyaasha fadhiyada madax banaan Ciidanka Booliska ayaa waxaa looga hadlay Amniga dalka iyo horumarinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa lagu soo bandhigay aas-aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed ,marxalidihii uu soo maray iyo hada marxalada uu ku suganyahay ,iyadoo saraakiisha ciidanka Booliska ay Wasiirka warbixin kooban ka siiyeen tababarada kala duwan oo ay helaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidamo si gaar ah u tababaran oo qorshuhu uu yahay in uu tababar usoo geba gaboobo.

Taliyaha Hogaanka ilaalinta canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal C/llaahi Xasan Bariise ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Wasiirka Amniga gudaha ay kala hadleen tayeynta iyo horumarinta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane C/naasir Gaarane oo kulanka goob joogka ahaa ayaa dhankiisa sheegay in ay muhiim tahay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laga war qabo baahida iyo duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga gudaha ee xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa ka codsaday taliyaashaa ciidanka Booliska in ay sii dardargeliyaan howsha ay dadka iyo dalka u hayaan isagoo sheegay in Wasaarada Amniga ay ka war qabto baahida ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayna   ku dadaaleyso horumarinta ciidanka Booliska.

Kulanka maanta uu Wasiirka Amniga gudaha la qaatay saraakiisha ciidanka Booliska ayaa qeyb ka ah qorshe Wasaarada amniga Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku dardargeliso howlaha amni xaqiijinta ee dalka.

 

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here