Wasiirka Amniga “howlgal lagu soo gabagabeynayo Al-Shabaab ayaa dhacaya” (Shir jaraa’id)

1
2060

Wasiirka Amniga Gudaha ahna ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in tallaabooyin cusub oo dhanka ammaanka ah la qaadi doono si loo soo gabagabeeyo argagixisada.

Wasiirka Amniga Gudaha ahna ku simaha Ra’iisul wasaaraha, Mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday xarunta wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sarre ee magaalada Muqdisho, waxa uu yiri “weerarkaasi kuwa ugu badan ee ku dhintay waa argagixisada, dadka ay waxeellada ka soo gaartay ALLE ayaan caafmaad uga rajeynayaa, laakin ciidammada geesiyaasha ah ayaa fashiliyey damaca nabad diidka oo ahaa khasaaro badan balse ciidamada ayaa hor istaagay”.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dhamman ehellada dadkooda ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen, waxaanse  farriin u dirayaa kuwa horjoogayaasha u ah maleeshiyaadkan doonaya in ay umadda gumaadaan oo aan leeyahay waqtigiina waa uu dhammaadey waxaana la arki doonaa idinkoo ku jira gacanta hey’daha ammaanka dowladda, qorshaha labaad ayaa ah in la fuliyo howlgalka lagu soo gabagabeynayo jiritaanka Al-Shabaab” ayuu yiri wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa  ammaan u jeediyey ciidammada amniga ee u taagan ka hortagidda cadowga ummadda Soomaaliyeed, waxaana ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in  ay xoojiyaan la shaqeynta ciidammada iyo guud ahaan hey’adaha ammaanka si xasiloonida caasimadda ay u sugnaato iyo guud ahaan dalka oo dhan” ayuuri wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

 

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Waxxan ku talin lahaa in munaafiqiinta UGUS Lagu qaado dagaal Kama dambeys ah si aanay mar dambe madaxa la kicin madaxa laga gooyo isla markaasna fadhi iyo jiif loo diido dhulkay wali joogaan oo dadka khasab lacagta Uga qaataana la xidho.
    masuu,liinta iyo madaxda amniga qaranka soomaaliyeed waxaan talo ahaan u sheegi lahaa dadkan fursad yaan la siin ay shirqool ku dabiraan ,
    Waxaa muhiim ah in la billaabo mumnuucidda baabuurada aan rigister laheyn magaalada dhexdiisa inay maraan qofka baabuurka la qarxiyay iska lehna xabsiga loo tahaabo.
    UGUS waa Maafiya munaafiqiin ah diin aan laheyn dadnimo iyo dameertoona aan laheyn oo cadow xun ah weeyaan ee Hal mar ha loo kaco oo hala tirtiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here