Wasiirka Amniga iyo taliyeyaasha ciidamada oo si wada jir ah u soo saaray amaro horleh oo xagga Nabadgelyada

2
10548

Wasirka Amniga gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Nabad sugida, Booliska Soomaaliya  oo shir jaraaid u qabtay  Warbaahinta ayaa shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigay  in si wanaagsan uu u socda howgalka xaslinta iyo qorshaha  Muqdisho looga aruurunayo hubka sharci daradda in lagu dhexsito.

Taliyaha Ciidanka NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay in qorshaha xaslinta caasimaddu uu hada yahay bilow ah uu u socda si wanaagsan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale ayaa  dhiinaciisa  amray in maglaada Muqdisho aan lagu  arki karin ciidamo wato dareska iyo gadiiidka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Mudane Cabduullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa   cadeeyey in  qorshaha xasilinta caasimudu uusan ahayn mid loogu dan leeyahay koox ama qabiil gaar ah balse uu yahay  mid Muqdisho looga sifaynayo  Al-Shabaab  iyo cid kasto oo hub ku dhex sidata.

Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed  ayaa  tilmaamay in   mas’uuliyiinta dowladda loo samayn doono ciidamo gaar ah,  lana furi doono xarun lagu diiwaan geliyo ciidankaasi.

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow  Ducaale  ayaa  tilmaamay in qorsha  xasilinta Muqdisho uu yahay go’aan ka so baxay Golaha fulinta Jamhuriyadda Soomaaliya, loogana golleeyhahay in Muqdisho noqoto magaalo Nabad ah.

Magaalada  Muqdisho ayaa waxa inta badan ka dhaqan galay qorshaha xasilinta amniga, taas oo hadii aad marto waddooyinka  uu kuu muuqanayo muqaal wanaagsan oo ka turjumaya  magaalo Nabad ah,  isla markaana aysan indhahaagu qabanayn gawaarida dagaalka iyo Ciidmaadii hubeysnaa ee wadooyinka mari jiray.

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. Aad bsn usoo dhaweynaa yaa sugida amniga magala madaxda si umada soomaaliyeed u wadaagdo
    Marka waxaan leeyahay madaxda soo celiya sharaftii umada

  2. Waa muhiim abniga in lagawada shaqeeyo, waa muhiim in la iska dhaafo shakiga, waa muhiim in ku dhaqanka xun ee qabiilka iyo qabyaaladda la iska dhaafo si aan u noqono umad u diyaar ah horumar, lwaa muhiim in qof walba daacad u ahaado diinta, dalka, iyo dadka sida ay hadda dowladdeena ku sifoobeyso. Wabillaahi tawfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here