Wasiirka amniga oo ka codsaday baarlamaanka inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka argagixisada

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Axmed ayaa baarlamaanka ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka argagixisada, si looga hortagop dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Mudane Cabdirisaaq Cumar oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in sharciga la dagaallanlka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaaladda la meel mariyo, si ciidamada ay awood buuxdo ugu yeeshaan ciriibtirka Al-Shabaab.

“Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa inay meel mariyaan sharciga ladagaallanka argagixisada iyo sharciyada kale ee la xiriira dhanka cadaaladda” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa dhankiisa tilmaamay in ciidamada ay dabranyihiin dhankasta, loona baahanyahay in baarlamaanku uu meel mariyo sharciga la dagaallanka argagixisada, si ciidamada ay u gutaan waajibaadka loo idmaday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here