Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Ka Hadlay Xaaladda guud ee Amniga Dalka

Wasiirka Aminiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay guulaha waaweyn ee laga gaaray arrimaha amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Islow xusay in goobaha loo asteeyay ciidamadu inay fariisimo ku yeeshaan ee ku yaalla bartamaha Muqdisho iyo daafaheeda si ay u hubiyaan amaanka dalka ay arrimahaas hoos u dhigtay in ay ku adkaato kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab inay dhibaateeyaan shacabka iyo dadka rayidka ee u shaqeeya Dawladda.

Sidoo kale Wasiirka Amniga wuxuu caddeeyey in Al-Shabaab looga adkaaday inay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ku soo qaadaan dadka shacabka iyo xarumaha Dawladda ee ku yaala magaalada Muqdisho.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here