Wasiirka Amniga XFS oo Finland kula kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalkaasi+sawirro

0
1251
Wasiirka Amniga gudaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo safar shaqo ku jooga dalka Finland ayaa la kulmey wasiirka arrimaha gudaha Finland, waxaana laga wadahadley iskaashi laga yeesho dhinacyada amniga, socdaalka iyo baasaboorka dukumentiyada Soomaaliga ah oo uu ka mid yahay baasaboorka.
Dhinaca kale agaasimaha guud ee HSJ ayaa kulan gaar ah la qaatay kusimaha agaasimaha guud ee laanta socdaalka Finland, waxayna ka wada hadleen sidii la isaga kaashin lahaa arrimaha socdaalka.
Finland ayaa balan qaadey tababaro ay u sameynayaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya.
Dalka Finland ayaa ka mid ah dalalka laga sugayo go’aanka dib u tixgelinta baasaboorka Soomaaliya, waxayna balan qaadeen in ay dedejin doonaan habka aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya.
Wafdiga wasiirka ayaa booqdey qaar ka mid ah xaruumaha ilaalada xuduudaha iyo xaruunta isku xirka howlgallada amniga iyo socdaalada ee Finland.
Ugu dambeyn wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Boolista Dalka Filand oo ay ka wada hadleen isdhaafsiga xogta iyo qibradaha Booliska iyo sido kale sidii ay Dowlada Filand qeyb uga qaadan laheyd tababarida ciidamada Booliska Soomaliyeed.
Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here