Wasiirka arimaha dibadda Qatar oo maanta soo booqday Muqdisho

1707

Wafdigani oo uu hogaamainayay wasiirka arimaha dibada ee dalka  Qadar Khaalid Bin Maxamed Attiya ayaa waxaa garoonka caalamiga Aadan Cabdule ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay  wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Soomaliya mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar,taliyaha ciidanka sirdoonka  iyo nabad sugida qaranka Janaraal Cabdiraxmaan Maxamuud “ Tuur-yare”, gudoomiyaha gobolka Banaadir ,Mudane Xassan Maxamed Xuseen “Muungaab”,   iyo mas’uuliyiin ka socotay safaarada dowlada Qadar ay kuu lee dahay Soomaaliya.

Wasaiirka arimaha dibada dalka Qadar iyo mas’uuliyiintii la socotay ayaa waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada halkaasi uu kulan Kula qaatay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya  Mudane Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmarke  iyagoo ka wada hadlay  xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dalk iyo sidii dowladda Qatar ay u dardargelin lahaayeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Kulanka kadib wasiirka arimaha dibada ee dalka Qatar Khaalid Bin Maxamed Attiya oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay imaanshaha  Soomaliya isla maarkaana waxaa uu sheegay in uu dalka ku arkay isbedel wanaagsan oo horumaro kala duwan isugu jira.

Isagoo intaa ku daray in dowladiisu ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska Soomaaliya waxaana uu tilmaamay in ay gacan ka geysan doonto gurmadka loo fidinaayo qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka socda dalka Yeman ee soo gaaraya Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada ee Xukuumada Soomaliya Mudane cabdisalaam Hadliye Cumar  ayaa sheegay in ay arimaha ay ka hadleen wasiirka arimaha dibadda ee Qatar ay kamid tahay xoojinta Amniga Soomaaliya.

“Waxaan ka wada hadlaynay sidii aan isga wada kaashan laheyn xaga maniga,xaga caafimaadka iyo arinta Yeman qaxootiga, anaga iyo dowladda Qatar qadiyadda ka socota Yeman isku si ayaanu u aragnaa waxaan rabnaa dadka Yemanta ah in ay nabadgeliyo ku wada noolaadaan” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibadda Qatar ayaa sidoo kale waxaa uu kormeerey qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayagoona iska maanta dib ugu laabtay dalkooda.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here