Wasiirka Arimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka oo ka qeybgalay Munaasabad ka dhacday degmada Waaberi (Sawirro)

0
1631

Munaasabadan oo qeyb ka ah olalaha uu maamulka gobolka Banaadir ku wacyigelinaayo bulshada Soomaaliyed ee ku nool mgaalada Muqdisho sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabadgelyada,bilicda deeganka iyo bixinta canshuuraha ayaa waxaa lagu qabtay xarunta degmada Waaberi waxaa munaasabadaasi ka soo qeyb galay wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (odawaa) maamulka gobalka Banaadir  fanaaniin,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabada soctay ayaa fanaaniinta Shamsu-diin Band,Ubaxa degmada Waabari iyo Barbaarta gaashaman waxey goobta ku soo bandhigeen suugaan ka turjumeysa Hidaha iyo Dhaqankeena suuban iyo sidii shacabka ay ahmiyad u siin lahaayeen dib u dhiska dalka.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay munaasabada ayaa ku baaqay in la xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed sidoo kale mas’uuliyiinta goobta ku sugneyd  ayaa u istaagay gabar yar oo naafo ah oo goobta joogtay iyadoo mas’uuliyiinta ay balan qaaday in ay ilgaar ah ku heyn doonan mustaqbalka gabadha.

Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Muumin Maxamed ayaa goobta ka sheegay in bulshada ku nool degmada Waabari ay yihiin bulsha isku xiran oo la shaqeeya hey’adaha amaanka iyo maamulkooda.

“Degmada Waabari oo ah runtii degmo bulshadeeda aad iyo aad isugu xiran yihiin maamulkooda iyo shacbigooda iyo hey’adahooda amaanka intaba waxaan baryahaan wadnay barnaamijyo aan ku xoojineyno is dhexgalka bulshada iyo wada shaqeynta hey’adaha amaanka iyo shacbiga ka dhaxeeya intaba” ayuu yiri Muumin.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”ayaa ku amaanay maamulka degmada Waabari iyo bulshada ku nool  sida ay isugu xiran yihiin  isagoo Ku booriyay in la dardargaliyo soo celinta bilicda deeganka.

“Sida aad ka warqabtaan maalmahan gobolka Banaadir magaalada Muqdisho caasimada dalka hooyo waxaa ka socday xaflado runti aad iyo aad loo soo agaasimay oo degmooyinka gobolka ka dhacayo oo ku saabsan is dhexgalka bulshada looga hadlayo oo la isku wacyigelinayo arimaha nabadgelyada nadaafada, bixinta canshuuraha,arimahaasi oo ah arimo isku wada xiran” waxaa sidaa sheegay Muungaab.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalaka mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (odawaa) oo munaasabada ka hadlay ayaa kula dar daarmay shacabka Soomaaliyed in laga wada qeyb qaato nadaafada,nabadgelyada,dib udhiska iyo bixinta canshuuraha si loo fuliyo adeegyada aas aasiga ah ay bulshada u baahan tahay.

“Walaalayaal waxaa jira waxyaaba badan oo aan u baahneyd in amaan iyo kaalma dibadeed u helno ama cid kale oo noo qabata waxaa kamid ah in aan qashinka iska aruurino waxaa kamid ah in amaanka aan kala shaqeyno hey’adaha amniga” ayuu yiri Odawaa.

Maamulka gobalka Banaadir oo kaashanaya shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan dambe waxaa ay wadeen olole lagu wacyigelinaayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada caasimada Muqdisho sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen soo celinta bilicda yo bixinta canshuuraha.

IMG_0205

IMG_0629

IMG_0615

IMG_0362

IMG_0428

IMG_0498

IMG_0208

IMG_0412

IMG_0387

IMG_0454

IMG_0615

IMG_0423

IMG_0630

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here