Wasiirka arimaha gudaha oo Suudaan kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta jaamacadda caalamiga ah ee Afrika-Sawirro

3958

Wafdi oo uu hor kacayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo habeenimadii xalay ahayd soo gaaray dalka Suudaan ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika gudoomiyaha jaamacadaas.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdulaahi Ugaas ayaa waxaa looga hadlay xariirka labada dowladood iyo arrimo quseeya dhanka waxbarashada iyo heerka ay gaarsiisan tahay.

Wasiir Odowaa oo ahaa ardaydii ka aflaxday Jaamacadaas ayaa aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda,  dowladda iyo shacabka Suudaan intaba sida ay u garab istaageen da’yartii Soomaaliyeed ee waayay waxbarasho ay ku helaan gudaha dalkooda kadibna usoo huleelay in ay waxbarasho u soo raadsadeen walaalahood Suudaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha  ayaa sheegay in ay jireen arday badan oo dhibaato usoo marey in ay Suudaan soo gaaray si ay waxbarasho u helaan oo ay kasoo waayeen wadamo badan oo daris ah lkn ay suudaan ka heleen.

C/raxmaan Maxamed Xuseen oo ah Wasiirka arimaha gudaha  ayaa sidoo kale aad ugu mahadnaqay Maamulka Jaamacadda Afrika  in ay ka soo qeyb galeen shirkii tacliinta sare oo ay qabatay Jaamacadda Umadda kaa soo ka dhacay magaalada muqdisho bilowgii bishan.

Dhankiisa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika Prof: Kamaal Cubayd ayaa isagana u mahad celiyay booqashada uu wasiirka soo booqday Jaamacadda Afrika isagoo sheegay in tacliinta Soomaaliya ay aad u wanaagsan tahay xiligan.

Waxa uuna sheegay in Jaamacadda Afrika ay doonayso in xariir la yeelato Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay dhawaan qorsheenayaan in ay kala saxiixdaan hishiisyo dhinacyo badan ah.

Wafdiga uu horkacayo Wasiir Odowaa ayaa lagu wadaa in kulamo la qaato madax dowladda Suudaan ka tirsan maalmaha soo socdo.

IMG_20160824_135151 IMG_20160824_135217 IMG_20160824_135226 IMG_20160824_135231 IMG_20160824_135243 IMG_20160824_135256

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here