Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

87

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay ku qaabilay xafiiskiisa Safirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Intii ay ku guda jireen kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen arrimo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya laba dal si gaar ah siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaallaha.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Siciid Xaaji Maxamuud iyo Agaasimaha Waaxda Eeshiya Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here