Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wakiilo ka socda Dowladda Mareykanka “SAWIRRO”

0
1403

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kulan kula yeeshay mudaneyaal ka tirsan aqalka senet-ka Mareykanka oo ay ka wada hadleen sidii dowladda looga caawin lahaa horumarka dalka, isla markaana la kordhiyo mashaariicda lagu taageerayo dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii  ay wax uga qaban lahaayeen Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaallo, si loo badbaadiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ku xaniban

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa dhigiisa dalka Kenya Aamina Maxamed kala hadlay sidii xawaaladaha Soomaaliyeed dib loo furi lahaa, isagoo sheegay in aysan u adeegin Soomaalida oo kaliya, isla markaana aan lagu xadgudbin xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Wasiirka ayaa dowladda Kenya ugu tacsiyeeyay dadkii lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Jaamacadda Garisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

image-0e564e289eab67043fc9917b579035b4ddbbce6076e81583bf384365150a0e7c-V image-7a0a041e83de35274a7848d4279e12cbaac3def659fe3956476d6b56e503e5b2-V image-84b30a51a73b45be3cdb2a8bd5bf065b645372b8e38e691acfb6532c5b1d5298-V IMG_8535 IMG_8536

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here