Wasiirka Arrimaha Dibadda oo lakulmaya Dhaqal Sugaha Boqortooyadda Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa Magaalada Riyaad ku kalan kula leh dhaxal sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan.

Shirka Ururka Wadama Carabta iyo Africa oo dhaca Xeebaha Badda Cas iyo Khaliijka Cadan ayaa ka furmay dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyaad iyadoo Soomaaliya uu ugu qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad iyo sii-haya Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa qeyb ka aha Madaxda Soomaaliyeed ee Shirkaas ka qeyb galaya.

Shirkaas oo ay marti galisay Boqortooyada Sacuudiga wadama ku bahoobay Ururkaas waxaa ay kala yihiin Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Jabuuti, Masar, Urdun, Sudaan Yaman iyo Eritrea inta uu socdo shirkaas waxaa looga hadlayaa sidii xoogga loo saari lahaa Hormarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Iskaashi Amni oo balaaran.

Inta uu shirkan socdo ayaa waxaa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya uu kulamo gaar gaar ah laqaadan doonaa Madaxda kala duwan ee ka qeyb galaya Shirkaas.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya inta uu ku sugan yahay dalka Sacuudiga waxaa uu kalan laqaadan doonaa Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here