Wasiirka Arrimaha dibadda oo xariga ka jaray dhismo cusub oo Wasaaradda lagu soo kordhiyay

1813

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa maanta xarigga ka jaray qeybo cusub oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda, kuwaas oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.

Munaasabad xariga looga jarayay xafiisyadan cusub oo in mudo ah howlo dayactr ah lagu sameynayay ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiiragelinta maalgashiga Soomaaliya, Wasiiru dowlaha iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda, iyo Wasiiro kale sidoo kale waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha iyo ganacsato.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiira gelinta maalgashiga Soomaaliya Axmed Cali Kediye oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha dib u casriyeynta ah ee lagu sameeyay qeybahan ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya.

“Wasaaradda runtii aad ayay ugu dadaashay in bilicda dalku ay muujiso maadaamaa Wasaaraddu ay tahay muraayadda dalka laga soo galayay, marka qeyb ayay ka tahay cusbooneysiintan dib ayay u soo noqotay qalbigii iyo niyadii iyo sidoo kale dowladnimadii oo dib usoo laabatay, waxaan aad ugu mahadcelinayaa rugta ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo qeybta ugu weyn uguna muhiimsan ka qaadatay, dhismaha iyo dayactirka Wasaaradda, shirkaddii ka shaqeysay, marka aaad baan dhamaantood ugu mahadcelinayaa hambalyo ayaan leeyahay Wasaaradda ,shaqaalaha iyo Wasiirka intaba quruxdana sharaf ayay noo tahay” ayuu yiri Wasii ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam hadliye Cumar ayaa xariga ka jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda oo dhowrkii bil ee la soo dhaafay howlo dib u casriyeyn ah ay ka socdeen, ayadoo howlahaasi ay ka qeyb qaadaneyeen gaanacsato Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here