Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay Sheekhul Azhar arrimaha waxbarashada iyo la dagaalanka xagjirka

Inta uu ku gudajiray booqashadiisa Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, waxa uu kula kulmay shalay oo Khamiis ah Magaalada Qaahira Imaamka weyn, Dr. Ahmed el-Tayeb, Sheekha Azharka Shariifka.

 

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr aragti oo la xiriirta xiriirka Soomaalida iyo Azharka Shariifka, si gaar ah waxaa loo eegay dib u howlgelinta Ergada Azhar iyo howlaheeda waxbarasho ee Soomaaliya iyo kolonyada gargaar iyo diin faafin ku qotanta manhajka toosan ee ka dhanka ah aragtiyada wax burburiya si looga hortago xagjirka iyo argagaxisada.