Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraatka 

0
1745
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Cusmaan.

Intii uu socday kulanka Mudane Axmed Ciisa Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda uu la qaatay Safiirka ayaa la iskula eeggay xiriirka laba geesoodka ee labada dal u dhexeeya.

Sidoo kale waxyaabihii looga hadlay inta uu socday kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa waxaa kimid ahaa waxa ka cusub xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here