Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo u ambabaxay Jabuuti

138

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Is-kaashiga caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Ciise Cawad, ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Asmara, isagoo kusii jeeda Dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdi ka kooban Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo ka wada hadli doona sidii loosoo afjari lahaa xurgufta ka dhex taagan Dowladaha Jabuuti iyo Eretrea.

Hoggaamiyeyaasha waddamada geeska Afrika ayaa indhawaalaba waday dedaallo lagu soo Af-jarayo mad-madoowga siyaasadeed iyo muranadii xudduudaha ee Gobolka,iyagoo taasi beedelkeedana wada qorshayaal horumarineed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here