Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Guddoomiyay shirka xasilinta dalka “SAWIRRO”

Shirkaan oo labadii bilba mar la qabto si looga arinsado xaaladda dalka iyo mashaariicda xasilinta waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda FS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana goob joog ka ahaa lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Wasiirada Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada iyo deeq bixiyayaasha taageera howlaha xasilinta.

 

Waxaa si gaar ah diiradda loogu saray shirkaan wax ka badalka qorshaha wadajirka ah ee xasilinta  deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab gaar ahaan deeganadii ugu dambeeyay ee gacanta argagaxisada laga saaray,  sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshuiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koofur galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi oo ka mid ahaa Wasiiradii ka qeyb galay shirka ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub ee lagu xasilinayo deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab iyo dadaalka ay ku bixinayso dowladda Federaalka.

Shirka xasilinta oo ay isugu yimaadeen Wasaarado kala duwan oo heer Federaal iyo heer Maamul goboleed ayaa muhiim u ah is warqabka hey’addaha dowladda iyo helida qorshe midaysan oo lagu wajaho daadajinta adeegyada bulshada, si gaar ah  gaarsiinta meelaha Al-Shabaab laga xureeyo oo ah kuwa ugu baahida badan adeegyada dadweynaha, sida gurmadka beni’aadanimada, waxbarashada iyo caafimaadka.

Cabdishakuur Cali Axmed