Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la dardaarmay Guddoonka cusub ee Barlamaanka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinat Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo qudbad ka jeediyay gabogabadii doorashada guddoonka Barlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay hannaankii uu soo maray dhismaha Galmudug.

Wasiir Sabriye waxa uu sheegay in Barlamaanka Galmudug sida ay u shaqeeyaan ay ku xeran tahay horumarka Galmudug,

waxaa uu kula dardaarmay inay gutaan masuuliyadooda oo ay Galmudug u dooraan Madaxweyne iyo madaxweyne xigeen u qalma hogaaminta dowlad goboleedka.

Halkaan ka dhegeyso codka Wasiirka Arrimaha Gudaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here