Wasiirka Badroolka oo London lagu soo dhaweeyay-Sawiiro

2144

Xaflad lagu soo dhaweenayay wasiirka  Batroolka iyo Macdanta  oo xalay  lagu qabtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada Soomaalida ee magaalada London iyo xafiiska telefishinka qaranka Soomaaliya ee dalka UK  ayaa waxaa ka soo qeyb galay  qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London.

Dadkii ka hadlay xaflad ayaa bogaadiyay dadaalka ay dowlada Soomaaliya ku dooneyso in la sahmiyo isla markaana dibada loo soo saaro kheyraadka ceegaaga dalka.

Ka soo qeybgalyaasha xaflada ayaa sidoo kale ku amaanay wasiirka Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibrahim in uu muujiyay  geesinimo maadaama uu u bareeray wax u qabashada dalka  waqtiyo adag.

Xafladaasi ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Horumarinta Iyo Xariirka Caalamiga ah ee Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka ee wadanka Ingiriiska Mudane Yusuf Axmed Garabey.

Wasiirka  oo goobta ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay jaaliyada soo dhoweynta ay u sameeyeen, isla markaana uga warbixiyay xaalada dalka iyo talaabooyinka horumarka leh ee lagu talaabsaday.

Wasiirka ayaa carabaabay in ahmiyada ugu weyn ee dowladu ay tahay in la helo xasilooni siyaasadeed iyo ka mira dhalinta hiigsiga 2016 oo ah in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Wasiirka waxaa kale oo uu farta ku fiiqay in uu jiro qorshe iyo sharuuc  wasaaradu diyaarineyso kuwaas oo ku saabsan sida  loo qeybsan lahaa qeyraadka dalka.

11093823_10152769220003021_361466657_n 11118314_10152769219368021_637213683_n 11160123_10152769219453021_1891138634_n

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here