Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir la qaatey dhiggiisa Jabuuti

2198

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo safar shaqo ku jooga magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la yeeshay Xafiiskiisa wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdi Yuusuf Suge.

Wasiir Geelle oo uu weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa kulan la qaaday wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa wasaaradda waxaana labada dhinac ay kawada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal dhanka Boostada iyo Isgaarsiinta

Shirkan oo ay labada Wasiir uga wada hadleen arrimo badan oo la xariira sidii ay labada dawladood iskaashi dhab ah uga sameyn lahaayeen dhanka Isgaarsiinta iyo Boostada ayaa sidoo kale looga hadley mashruuc balaaran oo la xariira Xarigga Internetka oo ay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Jabuuti wadday muddaba, kaasoo ah in .magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Muqdisho, Mombasa iyo Daarusalam la dhigo Xariga Internetka

Wasiir Guuleed ayaa shirka kadib soo booqdey xarunta ugu weyn ee Xarkaha Internetka (Fiber Optic) laga maamulo iyadoo Jabuuti ay noqotey xarun maareysa Xargo gaaraya 5 ayna ku tala jiraan iney sii badiyaan adeeggaasna lasoo gaarsiiyo dalka Soomaaliya

Booqashada kadib Wasiir Geelle ayaa dhiggiisa uga mahadceliyay casuumitaanka iyo soo dhaweynta waxayna labada Wasiir isla balanqaadeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen hawlaha khuseeya labada Wasaaradood

shir wasiirada wasirka iyo axmed Xarnta Cable wasiirka Xarunta cableka Axmed

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here